Maareeyaha kuliyada farsamada dhagaxbuur mudane, Mustafe Xaaji Yusuf ayaa maanta xog iyo warbixin kusaabsan kuliyada la'wadaagay dhaamaan hogaaminta 11 degmo iyo Maamulka Gobalka Jarar. Hadaba, warbixintan ayaa kusaab sanayd nidaamka barisbarasho ee kuliyada iyo guud ahaanba adeegyada ay kuliyada bixiso.
Maareeyaha ayaa sidookale, hogaaminta Gobalka Jarar iyo degmooyinkiisaba kala hadlay inay shaqo-abuurada iyo fursadaha kale ee xirfadooda khusaysa looga faa'iideeyo islamarkaana, la dhiiragaliyo ardayda kasoo baxda kuliyada farsamada dhagaxbur.
wuxuu sidookale, Maareeyahu kala hadlay hogaaminta dhinaca wada shaqaynta guud oo ay ugu horayso ka qab qaadashada abaabulka bulshada iyo wacyigalinta xiliyada lasoo xaraynayo ardayda.
Ugu dambayn Maareeyaha kuliyada ayaa uga mahad celiyey dhaamaan hogaaminta Gobalka Jarar iyo degmooyinkiisa wada shaqaynta wanaagsan ee ay la'leeyihiin kuliyada farsamada iyo inay ballan qaadeen inay marwalba garab istaagi doonaan kuliyada.
"Gacmo wadajir bay waxku gooyaan"