Iyadoo lagu jiro Megabit, bishii Isbedelka cusub hayaankiisu bilaabmey.

Waxaa maanta, Madasha kuliyada xirfadaha kaladuwan ee Dhagaxbuur ka qabsoomey, dood Cilmiyeed kusaabsan waxqabadkii 7 sano. 


Doodahan ayaa diiradda lagu saarey waxqabadkii mudadaa isbadalku jiro. 


Kuliyada oo adeega waxbarasho bilowdey isbadalki kahor,  xiligaas waxa jiray 2 waaxood oo tababarada dhaadher,  6 tababarada gaagaban ah. Isbadalki kadib kuliyadu waxay kor uqaadey sanadba sanadka ka dambeya adeegayada kala duwan iyadoo laqabtey.


1. Soo sarista xirfadlayaal dhan 3990 ardey.

2. Raadraaca ardeyda oo laguso xaqiijiyey in ay shaqo heleen inkabadan 78% ardeyda kuliyada ka qalinjabisey. Halka 32% mushaarkushaqeyn, 46% ay iskood ushaqeystaan. 

3. Waxaa la minguuriyey 22 farsamo, 11 ka mid ah waxaa loo gudbiyey shirkadaha yar yar, kuliyada caafimadka godey, godey Polytechnic College iyo kuliyada caafimadka qabridahar.

4. Waxaa dayactir lagusameyey dhamaan dhismayaasha kaladuwan ee kuliyada sida xafiiska mamulka, waaxaha barisbarasho, hoolka shirarka, jiifka ardeyda & albaabka kuliyada. 

5. Waxaa ladhisey kaydka biyaha, laydh galinta, balaadhinta adeega Internet ka kuliyada. 

6. Waxaa mudnaanta lasiiyey bilicda iyo cagaarinta kuliyada.

7. Xidhiidhka bahwadaagta oo laxoojiyey

8.Waxbarashada maxaabista.

9. Kuliyada oo 2017 ugudubtey darajada xirfadaha kaladuwan (Polytechnic College). 


Shaqalaha kuliyada oo soo bandhigey aragtiyadooda iyo talo-bixino la xariira jihada mustaqbalka, iyagoo bogaadiyey waxqabadka ballaadhan ee la qabtey mudadii xisbiga barwaaqo talada hayo.


#Xirfadaha #prosperitypartyparty#Megabit#Isbedelka#DegahbourPolytechniccollege.