Maamulka Kuliyada Xirfadaha Kala Duwan ee Dhagaxbur, ayaa maanta booqday Jeelka Asluubta iyadoo laga duulayo codsi horay uga yimid komishinka Asluubta ee Gobalka Jarar, codsigaas oo ay Ujeedadiisu ahayd sidii Xirfadaha ay Kuliyadu Bixiso loo gaadhsiin lahaa maxaabiista dhaqan celiska ah ee kujirta jeelasha dhaqan celinta Gobalka. 


Hadaba, Maamulka Kuliyada iyo kumishinka asluubta ayaa  kulan laqaatay maxaabiista sidookalena, soo kormeeray goobihii Xirfadaha iyo casharada lagu siin lahaa Maxaabiista.


Ugu dambayn, Maamulka Kuliyada iyo kumishinka ayaa isla qaatay inay muhiimtahay in Xirfadaha kaladuwan ee ay kuliyadu bixiso si deg-deg ah loosoo gaadhsiiyo goobaha dhaqan celinta.


"Degahbur polytechnic College"