Waxaa Maanta soo dhamaadey tababarka Nidaamka Barisbarasho (Teaching Methodology) oo lasiinayey 50 Macaliminta kuliyada Xirfadaha kala duwan ee Dhagaxbuur.
Tababarkan oo socday mudo shan cisho, oo ay soo diyaarisey waaxda tababarka natiijada kusalayn(OBT). Tababarka oo lagu bartey casharada Nidaamka TVETka, Diyaarinta Manhajka,iyo Habraacyada kala duwan ee Nidaamka barisbarasho.
Ujeedka tababarka oo ahaa sidii kor loogu qaadilahaa tayada iyo nidaamka barisbarasho ee kuliyada.
Alla mahadleh.


